SIDEE LOO DAAWEEYAA CUDURKA ISNADAAMISKA EE KU DHACA MAQAARKA

  • Updated
  • Posted in Health Skin
  • 3 mins read

Maqaalkan waxaa qoray Qaybta Cudurrada Maqaarka


M A C L U U M A A D

Waxaa dhici karta in qof kamid ah qaraabada uu qabbo xanuun ayada oo aan ka muuqanin calaamadaha xanuunka (cudur side caafimaad qabba), kadibna ku daarta dadka hareerihiisa ah. Muhiimadu waxay tahay in la daaweeyo hareeraha oo dhan.


H O R U D H A C

Muxuu yahay cudurka isnadaamiska?
Cudurka isnadaamiska waa cudur ku lug leh gubashada maqaarka wuxuuna ka yimaadaa mid kamid ah xasharaadka—waana cayayaanka isnadaamiska. Isnadaamiska wuxuu keenaa nabaro guduudan oo yar-yar, gaar ahaan wuxuu kasoo baxaa faraha dhexdooda, cur-curka, iyo goobta taranka. Cun-cunku wuxuu daranyahay habeenkii.

Cudurkaan waa cudur la isku daarto wuxuuna ku gudbaa taabashada tooska ah ama aan tooska ahayn (dharka ama marada sariirta qofka xanuunsan). Si fudud ayuu ugu faafaa dadka lala noolyahay ama lala dhexgalo.

Calaamadaha cudurka waxay soo baxaan maalmo yar kadib marka la qaado cudurka, waxaana mararka qaar adag in la ogaado. Waxaa baaritaan ku sameeya dhakhtar ku takhasusay cudurada maqaarka kaas oo ku fiiriya noolaha shaybaar maqaarka ah.


Qofkee Ayay Tahay In La Daaweeyo?

Waxaa muhiim ah in la daaweeyo:

  • Qofka cudurka qaba
  • Alaabtiisa
  • Dharkiisa khaaska ah

Waxaa sidoo kale khasab ah in hal mar la daaweeyo dhammaan dadka isla degan iyo kuwa xiriirka dhow la leh qofka cudurka qaba—xitaa haddii aysan calaamado muuqanin.


D A A W E Y N T A D A D K A

Sidee u dhacdaa daaweynta?
Waxaa loo tixgeliyaa daawada Ivermectine inay tahay kiniin saameyn leh.

  • Dumarka uurka leh iyo kuwa ilmaha nuujiya waxay isticmaali karaan daaweyn munaasab ah sida boomaato.
  • MUHIIM: Dhammaan dadka cudurka qaba waa in hal mar ay wada qaataan daaweynta.

Maalinta 1-aad ee Daaweynta (J0):

  • U qaado Ivermectine sida laguugu qoray (hal mar), waqtiga cashada, oo la cabbo biyo badan.
  • Carruurta waxay jejebin karaan kaniiniga.
  • Ugu yaraan 8 saacadood kadib (subaxda xigta), qubeyso adigoo isticmaalaya saabuun iyo dhar nadiif ah.

Maalinta 14-aad (J14):

  • Ku celi qaadashada Ivermectine.
  • Daawee alaabta iyo dharkaaga gaarka ah (faahfaahinta hoos ka akhri).

MACLUU M A A D Dheeraad ah

  • Iska jar cidiyahaaga si looga hortago dhaawac ama in cayayaanku galo hoosta cidiyaha.
  • Inta lagu guda jiro 3-da toddobaad ee daaweynta kadib, fiiri haddii cun-cunku weli jiro (gaar ahaan dadka aan daawo qaadanin).
  • Haddii aad ka shakisid cudur sii jira, la tasho dhakhtar.
  • Cun-cunka wuu sii jiri karaa ilaa 3 toddobaad, mararka qaar sabab u ah falcelinta daawada.
  • Haddii uu sii jiro 4 toddobaad kadib, la tasho dhakhtar mar kale.

D A A W E Y N T A D E E G A A N K A

Maxay yihiin tallaabooyinka la raacayo?
8 saacadood kadib marka la qaato Ivermectine (mar kasta), waa in deegaanka la daaweeyo:

Dhar Dhaqid:

  • Dhaq dhammaan dharka heer kul ah 60°C: dharka hoosta, shukumaanada, go’yada sariirta, marooyinka sariirta ee la isticmaalay todobaad ka hor.

Dharka aan la dhaqi karin:

  • Ku xir bac si fiican u xiran (7 maalmood).
  • Kadib ku dhaq heerkul 30–40°C ama
  • AMA: Ku buufi daawo lid ku ah xasharaadka khaaska ah, bac ku xir 48 saacadood.

Alaab kale:

  • Daawee: barkimooyinka, kuraasta, roogaga, kuraasta baabuurka, alaabta carruurta, kabaha, dharka aan la dhaqi karin iwm.
  • Buufi masaafo 20cm, ka bax qolka 30 daqiiqo, ha la haweysanaado ugu yaraan 12 saacadood.

Talo dheeraad ah: Waxaa la isticmaali karaa qalajiyaha dharka ama qalab uumiye kulul (ugu yaraan 60°C) si loo nadiifiyo dharka aan dhaqmayn.

DISCLAIMER; This is for general education purposes, don’t start any skin treatment without consulting with a certified dermatologist. 

Dr. Abdiaziz Mohamed

Leave a Reply